Qaababka Xogta Looga Raadsho Google Search Engine

6-Qaab Google Search Engine Looga raadsho Hadba Xogta Aad Rabto

1:QEEXITAANKA EREYGA
Marka aad google ka raadineyso erey qeexitaankiisa, weey adagtahay isla markiiba in aad hesho qeexitaankiisa saxda ah, si aad islamarkiiba uhesho qeexitaanka saxda ah, kahormari ereyga aad hadba doneyso in laguu qeexo define: tusaale, define:Technology.
2:RAADI EREYGA SAXDA AH
Hal erey hadii aad google ka raadiso, waxa uu soo saarayaa ereyga aad raadisay iyo kuwa kaloo la xariira, si eey natiijadada unoqototo kaliya in uu soo saaro ereyga aad raadisay, dhexgali ereyga aad raadineyso double quatation, tusaale "Life is easy".
3:KUXADID NATIIJADA RAADINTA, WEBSITE-YO GAAR AH
Xogta aad Google ka raadiso waxa aad ku xadidi kartaa Website-yo gaar ah in eey kuuso bandhigaan, Tusaale, Qalin jabin site:so, wuxuu soo bandhigayaa website-kastoo domain-name-kiisa ama magaciisa uu ugu dambeyo

so

, waa hadii laga helo xokta aad raadisay.
4:KU RAADI EREYGA EREYADA LAXARIIRA
Google Search Engine ku raadi ereyga ereyada lamid ka ah ama laxariira, tusaale ~Look .
5:KU RAADI MARKIIBA LAWO EREY
Waxaa suurto gal kuu ah markiiba lawo erey ama lawo sheey magacooda in aad ku raadiso, tusaale ahaan lion OR car ,udhaxeysii ereyga OR oo capital ah.
6:RAADI XOGTA LAWO WAQTI GUDAHOOD
Goolgle Search Engine Waxaad sidokale ku raadin kartaa xog ama warbixin u dhaxeysay sanado kala duwan somalia 2007...2020, udhaxeysii saddax dot, waxuu so badhigaya xogtii laga qoray somalia inta u dhaxeysay lawada sano.

Comments

Popular Posts